WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ciidamo kale oo ku dhaawaaqay in ay kasoo baxayaan furimaha Dagaalka-Video

Muqdisho ( Kalshaale ) Qaar ka mid ah ciidamada xoogga dalka ee ku sugan magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelada hoose ayaa ku hanjabay inay isaga bixi doonaan magaalada, haddii aan la siin mushaar iyo raashin ka maqan muddo afar bilood ah.

Ciidamadan oo watay gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa duleedka magaalada Baraawe waxa ay kula hadleen weriyaasha iyagoo sheegay in ay madaxda qaranka ka sugayaan jawaab deg-deg ah.

“Waxaan joognaa degmada Baraawe shan san iyo afar bilood,waxaana hadda naga maqan mushaar iyo raashin muddo afar bilood ah,qof baahana ma difaaci karo cadowga deyna waa naloo diiday maqaayadaha magaalada.”ayuu yiri mid kamid ah ciidamada xoogga dalka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ciidamadan ayaa sidoo kale sheegay inay haysato dhibaato u gaar ah oo ay ka mid yihiin in wixii saad ah loogu keeno badda.

“Mushaarkeenu waxa uu ahaa boqol dollar, askarina ka cabanayo ma jiro, balse labo askari oo waardiye isla galaya midna lacag ayaa u soo dhacayso midna waxba ma haysto,dowladu ha raadiso halka xaqeena uu jiro.”.

Dawladda Sooamaliya ayaa Bilowday Qorshe lagu diiwaan gelinayo Ciidamada, waxaana soo baxay 9-Kun oo been Abuur ahaa, Sidoo kale waxaa jira Xubno Muraacidka kamid ah oo Arimo Siyaasadeed uga Faa’iidaysanaya Ciidamada oo aan looga baran inay Warbaahinta ka hadlaan.

SOMALI NEWS

To Top