WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xildhibaan Fiqi,,Farmaajo waa in uu kasoo baxaa Godka,,-Video

Muqdisho (HM ) Xildhibaan Axmed Macalim FIQI oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, Islamarkaana sida wayn u dhaliilalsan Xukuumadda uu Hogaamiyo Raysal Wasaare Khayre ayaa ka hadlay Qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, Wuxuuna Fariin gaar ah u diray Madaxwayne Farmaajo.

“Allaha u naxariisto wasiir Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ee maantay argagixisadu ay xafiisyadooda ku dileen. Dadka dhaawacu uu weerarkaas ka Soo gaarayna caafimaad Degdeg ah.

Waa ayaandarro weyn amniga faraha ka sii baxaya iyo qarax walba dadka qaaliga ah ee ku baxaya ama ku waxyeeloobayaba, ayadoo aysan jirin cid amni-darrada jirta lagala xisaabtamo ama qorshe amniga lagu hagaajinayo oo muuqda.

Madaxweyn Farmaajo waa inuu godka ka Soo baxaa, dhabarkana u ritaa mas’uuliyadda waxyaalaha dhacaya kaga aadan, macquulna aysan ahayn in dal lagu hogaamin karo isqarin iyo mas’uuliyad ka carar laga dhaxlayo dayacaad iyo khasaaro joogto ah.” Ayuu yidhi Xildhibaan Fiqi.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u tacsiyeey qoysaskii ay ka dhinteen dadkii lagu diley weerarkii saaka ay ku qaadeen ururka Al-Shabaab wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wuxuuna   tacsi gaar ah u diray qoyskii uu ka geeriyooday Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla oo kamid ahaa dadkii ku dhintay weerarka.

Khayre ayaa ballan qaaday in dawladda Soomaaliyeed ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto kooxaha argagaxisada ilaa laga tirtirayo jiritaankooda si ummadda Soomaaliyeed ay ugu noolaato nabad buuxda.

HALKAN KA DAAWO WIXII DHACAY

SOMALI NEWS

To Top