WARARKA SOOMAALI

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Koofur Galbeed oo ku dhintay weerarkii Hotel Naasahablood 2

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Maamulka Koofur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday weerarkii galabta lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa xaqiijiyay geerida Madoobe Nuunow oo goor dhow meydkiisa laga soo saaray Hotelka.

Sidoo kale dadka ku dhintay ayaa la sheegayaa inuu ku jiro La Taliyaha Wasiirka Amniga oo lagu magacaabi jiray Zakariye Ciise.

Ciidamada Ammaanka iyo dableyda hubeysan ee ka dhex dagaalamaya gudaha Hotelka ayaa wali is weydaarsanaya rasaas culus, waxaana la maqlayaa qaraxyo bambooyinka gacanta laga tuuro oo ay adeegsanayaan dableyda hubeysan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintay weerarka Hotelka Naasahablood ay gaartay illaa 18 ruux, ayna dhici karto inay intaas ka bataan.

Hotelka ayaa waxaa la dejiyay wafdi ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ee maanta illaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Xaalada ayaa wali cakiran, iyadoo la soo sheegayo inay jiraan meydad gudaha Hotelka ku jira oo ay dileen dableyda Hubeysan.

Hotelka Naasahablood 2 oo ahaa dhismo horay u deganeyd Safaaraddii Shiinaha ayaa ah dhismo aad u adag oo shub ah, waxaana dadku sheegayaan in dableyda ay gudaha ku jiraan, isla markaana rasaas iyo bambooyin soo tuurayaan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka galabta lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 oo ku yaalla degmada Xamar weyne, waxaa ay horay u weerareen Hotelka Naasahablood 1 oo ku yaala agagaarka Isgoyska KM4.

[email protected]

 

SOMALI NEWS

To Top