WARARKA SOOMAALI

Daawo:Cali Guray oo Ku Hanjabaya Dagaal dhiig badan ku daato ,Olahaha Doorashada Maamulka Somaliland oo meel xun gaadhay-Video

Siyaasiga Cali Guray oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye, Horeyna uga mid ahaa Jabhadii SNM ayaa wuxuu Isagoo la hadlay Taageerayaasha Muuse Biixi ku Hanjabay inuu Bilaabi doono dagaal uu dhiig badan ku daato.

HALAN RIIX DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay inaysan ka dul qaadan doonin in la sheegin inuu Muuse Biixi yahay dagaal Ooge, Isagoona Xisbiga Wadani ugu dhaartay inuu dagaal la geli doono hadii ay dib arintaasi u sheegaan.

“Haku Noqonina taariikh Xun, Ma dhaliil kale ayaad u waydeen Muuse Biixi, Hadii aad dib u soo Hadal qaadaan oo aad Tidhaahdaan Muuse Biixi waa dagaal Ooge, oo aan Afkiina ku Maqlo maalin dambe, waxaan Balan ku galay Dagaalkii Berbera ka dhacay 1992 inaan Anigu ka Bilaabo Hada”. ayuu yidhi Cali Guray.

SOMALI NEWS

To Top