WARARKA SOOMAALI

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda oo kulan la yeeshay Safiir lasoo magacaabay

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Khaliif Cabdi Cumar, ayaa kulan la qaatay Danjiraha cusub ee dawladda Indonesia ay u soo magacowday Soomaaliya Amb. Dr. Mohamad Hery Saripudin.

Qoraal lagu daabacay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka Wasiir Khaliif Cabdi iyo Safiir Dr. Mohamad Hery looga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Wasiirka iyo Safiirka waxay sidoo kale ka wada-hadleen kor-u-qaadista, fududeynta iyo iskaashiga dhinacyada Ganacsiga iyo Maal-gashiga maadaama dalka Indonesia uu ka mid yahay wadamada ugu horreeya ee ay Soomaaliya wax-u-dhoofiso sidoo kale na aynnu muddo dheer la lahayn xidhiidh soo jireen ah oo la xiriir dhinacyada Ganacsiga.

Danjiraha cusub ee dawladda Indonesia ay u soo magacowday Soomaaliya Amb. Dr. Mohamad Hery Saripudin ayaa waxaa maalmo kahorb Warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

SOMALI NEWS

To Top