WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Maxkamadda CQS oo xukun ku riday Ajaanib ka tirsan Al-shabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ku riday xubno Ajaanib ah oo ka tirsan Kooxda ee Al-shabaab, labada Argagixiye ayaa u kala dhashay dalalka ingiriiska iyo Malaysia, Darren Anthony Byrness iyo Axmed Mustaqiim Bin Cabdal Xamiid ayaa Soomaliya yimid sanadihii 2009 iyo 2010.

Darren Anthony Byrness ayaa wuxuu qayb ka ahaa Weerar Al-shabaab qorsheeyeen inay ka fuliyaan dalka Faransiiska, isagoo qorshaha qaybta uu ku lahaa ay ahayd inuu kireeyo guriga ay degayaan kooxda weerarka fulinaysaa.

Anthony Byrness ayaa Hay’addaha Amniga u sheegay in Al-shabaab guryo qarsoodi ah ku leeyihiin dalalka kala ah Kenya, Burundi, Senegal, Uganda iyo dalal kale oo ku yaal galbeedka iyo bartamaha Afrika,

Axmed Mustaqiim Bin Cabdal Xamiid ayaa uu dhankiisa ka caawin jiray Argagixisadda Adeega Gurmadka deg dega ah,wuxuu ka qayb galay dagaallo Muqdisho iyo Dhuusamareeb ka dhacay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top