WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Xukun dil ah oo lagu riday Donald Trump iyo Maxamed Bin Salmaan

Maxkamad fadhigeedu yahay dalka Yemen ayaa xukun dil ah ku ridday 10 qof oo ay ku jiraan madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump iyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Sidoo kale boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin Cabdulcasiis Aala Sacuud ayaa ka dhex muuqda liiska dadka lagu xukumay dilka toogashada ah oo loo heysto inay “mas’uul ka ahaayeen” xassuuq labo sano ka hor loo geystay arday reer Yemen ah.

Garsooraha ayaa sheegay in xukunkaas uu ku riday “saddexda eedeysane” iyagoo ka maqan maxkamadda, oo ku taalla gobolka Sacda ee dhaca dhinaca waqooyi-galbeed ee dalka Yemen.

Warbaahinta caalamka, oo ay u badan yihiin kuwa Carabta ayaa si weyn u hadal hayay wararka ku saabsan xukunkaas oo lagu dhawaaqay maalintii Talaadada.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO

SOMALI NEWS

To Top