WARARKA SOOMAALI

Maxaa ka jira in Wasiir Jamaal lagu xayiray Magaalada Garoowe?

Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo Maanta gaaray Magaalada Garoowe ayaa u sii gudbay dhinaca degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan.

Saraakiisha Amniga Garoowe diyaaradaha Caalamig ah ee caasimadda Garoowe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku saabsan in xiisad ka dhalatay imaatinka Wasiir Jamaal.

Saraakiisha ayaa sheegay in Faafinta wararkaas uu ka dambeeyo Wasiirka oo doonaya in uu kiciyo jaah-wareer bulsho isla markaana dano siyaasadeed ka leh arrintaas.

Soo dhowaynta Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa haatan ka socota magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan halkaas oo dadweyne kala duwan ku sugan yihiin.

Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa isu-diyaarinaya olole ku jihaysan in uu mar kale ku laabto kursiga Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top