WARARKA SOOMAALI

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulankii u horeeyay la yeeshay Dhiggiisa Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa magaalada Addis Ababa kulankii u horeeyay kula qaatay Dhiggiisa Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu,

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee u dhexeeya labada dal.

Amb. Axmed Cawad iyo Dr. Workneh Gebeyehu waxa ay si qotodheer u fallanqeeyeen arrimaha ammaanka, ganacsiga , maalgashiga iyo suuragalnimada xiriir furan oo u dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Waxaa lagu wadaa in bisha March, 2018 markii ugu horreysay labada dowladood ay yeeshaan Guddi heer wasiir ah oo qaadaa-dhiga waxyaabo halbowle u noqon kara iskaashi sal adag oo labada dal ay yeeshaan.

SOMALI NEWS

To Top