WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xoghayaha Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo si kulul uga hadlay Dagaalka Tukaraq-Video

 Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, oo la hadlay golaha amniga ayaa sharaxay waxa Soomaaliya ay ku guuleysatay iyo caqabadaha ku gudban Xukuumad madaxweyne Farmaajo, muddada sannadka ku dhow ee uu xilka hayo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Keating ayaa sheegay in Soomaaliya ay sameysatay qorshe qaran oo ay ka mid yihiin isbedel dhaqaale, shaqa abuur, siyaasad loo dhan yahay, iyo isbedelka laamaha amniga.

Wuxuu sidoo kale hadlay Xiisada Colaadeed ee ka dhex taagan maamulada Puntland iyo Somaliland.

Si kastaba ha noqotee Keating  ayaa lagu dhaliilay inaanu wax badan oo wanaag ah ka sheegin Soomaaliya gaar ahaan guulaha balaadhan ee la gaadhay.

SOMALI NEWS

To Top