WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Guleed yare oo mar kale Buuhoodle kusoo Bandhigay Diyaarad qabyo ah iyo goorta uu duulin doono-Video

Guuleed Aadan Cabdi waa Wiil-dhalinyaro ah oo ku nool magaalada buuhoodle Wuxuuna Horay u sameeyay Qalab kala duwan, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen Gaadiid, Marawaxad iyo Diyaarado yar-yar oo Shaqaynaya, Iyadoona ay Horay warbaahintu uga Faalloootay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Hadaba Guuleed ayaa wuxuu hada soo bandhigay Diyaarad wayn oo Qabyo ah, Taasi oo ah nooca loo yaqaan Helikopterka, Islamarkaana uu doonayo inuu dhowana Kiciyo, Hadii uu helo Qalabka ka maqan Xiligan.

Guuleed waa Nin dhalinyaro ah oo Caqli badan, waxaana dad badan horey u sheegeen inay wax u qaban doonaan Taasi oo aan Muuqanin hada, Waxaana la xasuustaa Mmar  laga casuumay Madaxtooyada Puntland ee Garoowe Loona balan qaaday Waxbarasho debedda ah, siduu dalkiisa berri u Anfaco.

Bulshada caalamka ayaa tixgelin wayn siisay Qofka Hal-abuurka ah. Daawo Warbixinta Guuleed.

SOMALI NEWS

To Top