WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muuse Biixi oo aad uga xanaaqay hadal uu Cabdiraxmaan Cirro yidhi iyo Jawaab kulul-Video

Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynaha Somaliland ayaa ka Cadhooday hadal dhowaan kasoo yeedhay C.raxmaan Cirro oo Boorame ka sheegay inay Guusha Doorashada Helay Xisbiga Wadani, Balse ay siiyeen Kulmiye.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Muuse Biixi oo Arintaasi ka hadlaya ayaa yidhi  “Cirro hadalkiisii Boorama wuxuu ka bilaabay,  doorashadii weynu helnay, laakiin KULMIYE ayeynu amaahinay’, aniguse waxan leeyahay haddii qaamuuska siyaasadda laga helo xisbi doorasho uu helay xisbi kale ammaahiyey waa mid igu cusube hallla iisoo sheego,”

“Haddii aanu KULMIYE nahayna ma qabno inaad doorasho na ammaahisay, waxanuse qabnaa inaynu tartannay, si caddaalad ahna tiradii la inoogu hubiyey oo aad tidhi meelaha qaarkood halla ii baadho oo laguu baadhay oo ay idiin xannibnayd oo aanaan ka hadal oo aynu siddeetan kun oo (80,000) ku kala badinay.”

SOMALI NEWS

To Top