WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay wuxuu kusoo arkay Deegaanadii uu socdaalka ku tagay Puntland iyo Galmudug-Video

Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhawaan uu magacaabayo guddi ka shaqeeya, dabagalka fulinta mashaariicda horumarineed ee uu ka dhagax dhigay deegaannadii uu socdaalka kusoo maray, Wuxuuna ka warbixiyey socdaalkii Nabadda iyo dib u heshiisiinta, isagoona sheegay in si dhow uu ula soconayo dhammeystirka fulinta mashaariicda uu dhagax dhigay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo qurbajoogta Soomaliyeed in ay kaalin ka qaataan dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. “Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada iyo qurba joogta Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan mashaariicda horumarineed iyo dib u dhiska dalkooda.”

Wuxuu uga mahadceliyey shacabka sida wadaniyadda leh ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna ku tilmaamay mid ka tarjumeysa biseylka iyo hanka ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed dowladnimada iyo wadajirka.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Galmudug dadaalka ay ugu jiraan horumarinta, xasilinta, nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada ku dhaqan deegannadaas.

SOMALI NEWS

To Top