WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Gaadhi Rasaas iyo Hub kale u siday Beelihii ku dagaalamay Darar-weyne oo Burco lagu qabtay iyo waxa dhacay-Video

Gudoomiyaha gobolka Togdheer ayaa Sheegay Inay Qabteen Gaadhi Rasaas U Siday Beelo Dhawaan Ku Dagaalamay deegaanka Ceel-Afweyn, Isagoona Hanjabaad Hawda Mariyey kuwa kale ee arintaasi ku howlan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maxamuud Saleebaan Ramaax ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Rasaastii, Gaadhigii iyo Weliba dadkii Waday, Islamarkaana Tallaabo sharci ah laga qaadi doono, Siduu hadalka u dhigay.

Beelaha Colaadu ku dhexmartay deegaanka Darar-wayne ee degmada Ceel-afwayn ayaa deegaan ahaan ku badan magaalada Burco.

SOMALI NEWS

To Top