WARARKA SOOMAALI

Wasiir ku geeriyooday Garoowe iyo Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa xalay ku geeriyooday Wasiirkii hore ee Amniga maamulkaas, Axmed Cabdullaahi Yuusuf Dowlad ,waxaana ka tacsiyeeyay Mas’uuliyiin kala duwan.

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka reer Puntland uga tacsiyeeyay Geerida Wasiirkii amniga Puntland,isaga oo Eebbe uga baryay in uu Janadii fardowso ka waraabiyo.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland AXMED Cabdullaahi Yuusuf (Dowlad)” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa dhanka kalana waxaa uu sheegay in shaqooyin muhiim ah Wasiirku uu la soo qabtay umadda reer Puntland islamarkaana abaal weyn ay uaga hayaan Bulshada.

Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Wasiirka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii.

SOMALI NEWS

To Top