WARARKA SOOMAALI

Waddo muhiim ah oo xaalad halis dateed u go’day (Halkee ku taalla wadada?)

Saacadihii lasoo dhaafay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay weeraro geystay khasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac iyo dilal qorsheysan oo ay geysteen rag hubeyan oo Malaeshiyaad ah.

Weerarada iyo dilalka dhacay ayaa ahaa kuwo salka ku haaya arrimo la xiriira aano qabiil, isla markaana 48-saac ee lasoo dhaafay deegaano hoostega degmada Matabaan lagu dilay saddex qof, halka kuwo kalena la weeraray xili ay saarnaayeen gaari.

Rag hubeysan oo loo maleynayo inay yihiin Maleeshiyaad ayaa xalay wadada u galay gaari ay ku safrayeen dad shacab ah, xili uu mararay wadada xiriirisa Matabaan iyo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas ku dhintay hal qof.

Sidoo kale weerarka lagu qaaday gaarigaas ayaa waxaa ku dhaawacmay saddex qof, iyadoona goobta uu falku ka dhacay ay baxsadeen ragii ka dambeeyay weerarka oo u baxsaday dhul-howd ah sida la sheegay.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helayo wadada u dhexeeysa Matabaan iyo Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in halkaas ay gebi ahaa go’day, sababo la xiriira cabsi laga qabo weeraro iyo dilal ka dhaca.

Gaadiidka iyo dadkii ku socdaali jiray wadadaas ayaa kahad galay, waxaana la sheegay in Darawalada iyo dadka  u cabsanayaan naftooda, maadaama hareeraha wadada ay tahay meel howd ah, isla markaana ay jirto xaalad casi ah oo dadka ay dareemayaan.

SOMALI NEWS

To Top