WARARKA SOOMAALI

Khasaaro ka dhashay dagaal dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo socday muddo dhow saacad ah, sida aan wararka ku helnay.

Dagaalkaas ayaa ka dhacay degmada Diinsoor ee Baay, waxaana uu ka dambeeyay ka gadaal markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin halkaas.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ayaa ka dhashay dagaalkii ka dhacay degmada Diinsoor, waxaana dagaalkaas ka hadlay Al-shabaab oo war ku faafiyay barahooda qadka.

Weerar dhacay ayey Shabaab sheegeen inay ku dileen 4 Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka, isla markaana uu ku jiray Sarkaal ay tilmaameen inuu Caan ka ahaa Gobolka Baay.

Shabaab ayaa magaca Sarkaalka kusoo gaabiyay Garruun, waxaana ay intaas ay kusii dareen inay ka forteen qori Ak-47 iyo booshkii u xirnaa, waa sida hadalka ay u dhigeen Al-shabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan weerarkii ka dhacay degmada Diinsoor, waxaana uu weerarkaas kusoo aadaya, iyadoo shalay dagaal geystay khasaaro kala duwan uu Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab ku dhexmaray Gobolka Bakool.

SOMALI NEWS

To Top