WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo qof shacab ah ka afduubtay degaan ka tirsan Galmudug

Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegaaan in  saqdii dhexe ee xalay halkaas rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay ka afduubteen qof kamid ahaa dadka deegaanka.

Dad ayaa sheegay in Al-shabaab qofka ay ka afduubteen deegaan lagu magacaabo Burujeed oo qiyaasti 70-KM u jira Magaalada Guriceel ee Gobalka Galgaduud, iyagoona aan la ogeyn hadlka ay la aadeen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qofka Al-shabaab ay wateen uu ahaa watay gaari nooca raaxada, isla markaana uu kamid ahaa dadka deegaanka Burujeed, kaasi oo la tilmaamay inay wateen rag hubeysan.

Lama oga sababta ay qofkaas loo afduubtay, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Galmudug oo ku aadan qofkii saqdii dhexe ee xalay la afduubtay oo aan weli la ogeyn halka lala aaday.

Si kastaba dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa horey sidaan oo kale deegaano ka tirsan Gobolada dalka uga afduubtay dad shacab ah, kuwaasi oo qaarkood markii dambe lasii daaya.

SOMALI NEWS

To Top