WARARKA SOOMAALI

Baarlamaanka Hirshabeelle oo ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2021

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta oo kulankii 12-aad ee kal-fadhiga 1-aad ku yeeshay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo uu shir Guddoomiyey Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan.

Ajendaha kulankaan ayaa ahaa ansixinta Miisaaniyadda Maamulka Hirshabeelle ee sanadka soo socda ee 2021, taasi oo dhawaan ay Cod gacan taag ah ku ansixiyay Golaha Wasiirada, kadibna loo gubiyay Golaha.

Ugu horeyn Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Xildhibaan Yusuf Mocalin Xasan Jeele ayaa Xildhibaanada kahor akhriyey Miisaaniyada dowlad Goboledka Hirshabelle ee Sanadka 2021 , waxaana Golaha loo akhriyay Warqada soo gudbinta Miisaaniyadda.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Baarlamanka  Hirshabeelle ayaa Xildhibaanada ka codsaday inay go’aan ka gaaran Miisaaniyada, Maadama sanadka 2020 uu gabo gabo yahay loona baahan yahay in Miisaaniyada Sanadka 2021 la ansixiyo.

Baarlamanka Hirshabelle ayaa Cod gacan taag ku ansixiyey Miisaaniyada 2021, waxaana ogaaday 71, waxaan 2 Xildhibaan, halka 1 Xildhibaan uu ka aamusay, sida uu shaaciyay natiijada Codeynta Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Cabdixakiim Luqmaan Xaaji.

SOMALI NEWS

To Top