WARARKA SOOMAALI

Maamulka G/Banaadir oo Amar kusoo rogay Hay’addo ka Howlgala Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa amaro adag kusoo rogay Hay’addaha Caalamiga iyo kuwa NGO-yada ee ka howlgala degmooyinka magaalada Muqdisho ee ka shaqeeya Arimaha bulshada .

Qoraal kasoo baxay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu amray Hay’addaha ka shaqeeya arimaha bulshada ee ka howlgala gobolka in ay soo goostaan warqad ruqso ah.

Halkan ka akhriso Amarka kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir 

1: in Dhamaan hay’adaha ka Shaqeeya arrimaha Bulshada aysan ka howlgelli karin magaalada Muqdisho, iyaga oo aan warqad ruqso ah ka heysan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha bulshada maamulka G/Banaadir  inta uusan dhamaan Sanadka 2020.

2: In Hay’addii aan isku soo diiwaangelin Shaqooyinka u diyaarsan sanadka 2021 in aysan ka Shaqeyn doonin dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir laga bilabo horaanta sanadka 2021.

3: Kadib markii lagu arkay habka ay wax u maamulaan hay’adaha Bixiya Gargaarka ka Shaqeeeya arrimaha Bulshada degmooyinka Gobolka Banaadir in aysan aheyn wax ku haboon dadka la gaarsiinayo ayaan waxaan go’aan sanay in jaangoon iyo nidaam ku sameeyno hay’ad kasta oo ka Shaqeeysa arrimo bulsho si ay u yaraato isbarbar yaaca ka jira markii ay timaado qeybin, xog arruurin ama qiimeyn.

4: In dhamaan hay’adaha ka howlgalla gobolka Banaadir laga bilaabo Maanta inay iska soo diiwaangeliyaan Xafiiska Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha bulshada maamulka G/Banaadir  Basma Caamir Shakeeti.

SOMALI NEWS

To Top