WARARKA SOOMAALI

Wasaaradda Caafimaadka oo Baaq Deg-deg ah u dirtay Shacabka

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku dalbatay in loo midoobo ka hortagga cudurka Coronavirus oo dhawaan dalka ku soo laba kacleeyey, sidoo kale la qaato tallaalka cusub ee cudurkaan.

Wasaaradda ayaa qoraalka ay soo saartay waxay Weriyaasha iyo culumada Soomaaliyeed uga codsatay inay bulshada u soo bandhigaan xaqiiqada dhabta ah ee tallaalka COVID-19 oo dhawaan Soomaaliya la keenay.

Sida lagu cadeeyey qoraalka wasaaradda Tallaalkaan ayaa laga faafiyey warar been abuur ah oo bulshada ku abuuray shaki weyn oo badankood ku kalifay in aysan is tallaalin.

Wasaaradda ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku cadeysay in Saxaafadda madaxa-banaan iyo tan dowladda ay u aragta in doorweyn ay ku leeyihiin baraarujinta shacabka, isla markaana ay muhiim tahay inay ka hor-tagto wararka khaldan ee laga baahinaayo Tallaalka COVID-19.

SOMALI NEWS

To Top