WARARKA SOOMAALI

Taliyihii Ciidamada Asluubta Gobolka Gedo oo u geeriyooday COVID-19

Waxaa Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho saaka ku geeriyooday Taliyihii Ciidamada Asluubta ee Goblka Gedo Hareeri Xasan barre oo maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho.

Alle ha u Naxariistee waxaa la sheegay in Taliyaha uu u geeriyooday Cudurka Safmareenka ah ee Cornavirus oo maalmihii la soo dhaafay uu la jiifay Isbitaalka martiini.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed S/Guuto: Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa uga tacsiyadeeyay ehellada iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Taliyihii Ciidamada Asluubta ee Goblka Gedo Hareeri Xasan Barre.

Innalilaah waa inna ileyhi Raajicun Waxaan ka Tacsiyeenayaa.

Geeridii Naxdinta lahayd ee ku timid alaha u naxaristee Ex:- Marxuum G/Sare Hareeri Xasan Barre oo ahaa Taliyihii Qeybta Ciidanka Asluubta ee Gobalka Gado oo aroornimadii hore ee saaka ku geeriyooday isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

SOMALI NEWS

To Top