WARARKA SOOMAALI

Warbixin: Qisaasta Widhwidh iyo qisadda ka danbeysa!

Maalmihii u danbeeyey waxa deegaamada Widhwidh, Banyaal iyo Dhaalamacune ka taagnaa xiisad. Shaqaaqada ayaa bilaabatay laba todobaad ka hor ka dib markii shaqaale ka socda shirkada telefoonada ee Telesom-Somaliland ay tageen xarun dhanka anteenooyinka ah oo hoos-tagta deegaanka Banyaal oo ah meel dad aad u fara badan ku dhaqan yihiin kuwaasoo miyiga iyo magaaladaba ay ka jirto shacbiyad badan oo shirkaduhu ku Loolamaan.

Shaqalaha halkaas gaadhay oo doonayey inay qalab ka hagaajiyaan ama horumariyaan ayaa ka soo jeeday deegaanada gobolka waqooyi Galbeed ee Hargaysa/Burco. Ka dibna waxa dhacay dulaan ay 5 xubnood oo ka soo baxay deegaanka Xamar lagu xidh ay ku soo qaadeen ragaas. Nimankan hubaysan ayaa waxa ay tirsanayeen godob nin dhalinyaro ah oo Xamar lagu xidh ka soo jeeda oo Hargaysa lagu xidhay kaasoo ay xidheen maamulka Somaliland. Dadka iyo ehelka uu ninkaasi ka soojeedo Somaliland waxay u yaqanaan agtoodana ka tahay maamul beesha Hargaysa leedahay qof Hargaysa ka shaqeysanayey oo halkaas lagu xidhayna agtooda wuxuu ka yahay ruux u xidhan beel gaar ah oo Soomaaliyeed.

Ayagoo taas ka duulaya markeey heleen xogta nimanka haybta Somaliland ama beesha Hargaysa ah inay deegaanka  yimaadeen, ayay halkaas ku go’aansadeen inay nimankas soo qafaashaan ka dibna ay madax furasho uga dhigtaan wiilkooda ku xidhan Hargaysa. Wiilka Hargaysa ku xidhan ayaa dukaan dawooyinka/Farmasi ka shaqeynayey Eedo markii la baadhay been la dhoodhoobay noqday ayaana loo xanibtay. Si kastaba ha noqotee masuuliyiinta deegaankaas Widhwidh ugu weyntahay iyo wakiiladda Telesom ayaa la sheegay inay ka war hayeen dhaq dhaqaaqa ka dhanka ah farsamo yaqaanadooda, hadana dheg jalaq uma aysan siin walow la xaqiijiyey inay ku wargeliyeen maleeshiyaad deegaanka ah oo Somaliland mushahar ka qaata.

Nasiib daraduse waxay dhacday ka dib markii la sheegay in maleeshiyaadka Somaliland lacagta ka qaataa ay si buuxda u diideen inay sugaan amaanka xubnaha ayadoo la xaqiijiyey inay goobta tageen balse ka noqdeen ka dib markii ay sheegeen inaysan garaneyn wax cadeenaya jiritaanka nimanka duulanka oo hilaadii markaas la sheegayey inay kulaalayeen goobta ay ku sugan yihiin shaqaalaha Telesom. Sikastaba ha noqotee waxa weerar ku bilowday wax yar uun ka dib markii maleeshiyaadkii deegaanka ee SL ka amar qaadanyey ay tageen, waxana khasab noqotay inay is rasaaseeyaan ilaaladii xarunta iyo shaqaale deegaanka ah oo Telesom ah iyo raggi doonayey qafaalashada madaxfurashada ee wiilka Hargaysa ku xidhan . Halkaas waxa ku dhintay laba Marxuum oo Telesom shaqaalaheeda ahaa balse sidoo kale ahaa dadkii deegaanka kuwaasoo sababsaday gacantii kuwii ay ehelka ahaayeen ee Xamar lagu xidh ka yimid.

Sidoo kale waxa dhaawacmay mid ka mid ah ragii ayagu doonayey nimanka reer Hargaysa, taasi waxay keentay in raggi qaar baxsadeen mid dhaawac ahna goobtii lagu qabtay, raggi baxsaday ayaa la sheegay inay dib isu soo dhiibeen oo magaalada Widhwidh ay tageen. Si kastaba ha noqotee laba nin oo is dhalay wiil dhalinyaro ah iyo ninweyn ayaa qirtay inay gacanta galaafatay labada marxuum ay laaheeyn. Kaaga sii darane labadaas is dhalay waa aabaha iyo iyo walaalka wiilka hiilka loo ahaa ee Hargaysa weli ku qoofalan.

Labada marxuum ehelkooda oo ayaguna sii kala ah laba Juffo oo sii kala duwan ayaa labadii qolaba go’aansatay inay qisaastaan laba nin ee is dhalay. Inkastoo qisaastu tahay tan kaliya ee la rumaysan yahay inay xal u tahay deegaan aan dawlad ka jirin siyaasaddo kulul iyo gacmo gacmeyn cadowna kululaayaan hadana deegaanada Widhwidh ugu weyntahay dadka degga waa ku Ugub.

Markii baadhitaan la sameeyey dad badan oo deegaanka ahna la telefooneeyey waxa jira walaac siyaasadeed oo ku gadaaman dhimashada 10ka maalmood gudahood ah ee afarta nin ee ehelka ah kuwaasoo u dhintay qadiyad shirkada Telesom Somaliland, shirkada ayaan la gareynin saameynta ay arintan ku yeelan doonto ganacsigeeda. Sidoo kale dad kale ayaa aamisan in maamulka SL oo isagu mar walba buun buuniya qarashna ku bixiya in dadka reer SSC birta iska Aslaan aysan ka maqnayn arintan. Baraha bulshada ee dadka ka soo-jeeda SSC ayaa aad looga hadal hayaa, waxana is weydiinta ugu badani ee dadku tahay, Shirkadda, Maamulka, waxgaradka. Sadexdaas oraahdo, ayaa waxay midkastaa xanbaarsan tahay su aal.

Shirkaddu ma mid siyaasadeed baa mise waa mid ganacsi?

Maamulka Somaliland waa maxay faa’idada ugu jirtaa isku dhufashada iyo inuu lugta sudho dhacdo kasto dil ah ama ay ka Askumato Eel uu isagu dhigay?

Waxgaradka deegaanada Widhwidh iyo Banyaal waayeelnimo badan iyo nabad u heelanaan ayaa indhawayd lagu waraysanayee sidee taladdu ka noqotay.

Si kastaba ha noqotee jawaabaha oo dhan ayaa noqday in geed dheer iyo mid gaabanba loo fuulo soo deynta wiilka maxbuuska ah ee Aabihii iyo walaalkiisba dhinteen.

horufadhi.com

Widhwidh

SOMALI NEWS

To Top