WARARKA SOOMAALI

Saraakiishii iyo Ciidamadii u dhashay Bariga G.Sanaag oo isaga baxay dhamaantood Maamulka Soomaliland.

Laascanood (HM)-Saddex taliye oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag oo ka soo jeeda bariga gobolkaasi, ayaa sida la xaqiijiyay xalay goor dambe ciidamadooda kala baxay Maamulka Somaliland.

Taliyaasha oo kala ah; Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere), Guray Cismaan Saalax iyo Xayle Xaaji Diraac, ayaa sida la sheegayo ka carooday, taliyaha ciidamada Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, kadib markii uu amar ku siiyay in ay si wadajir ah u weeraraan, degmada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaasi oo ay ku sugan yihiin wefdi uu hoggaaminayo wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Gallan.

Saddexda taliye ayaa gebi ahaanba diiday amarka Nuux Taani, waxaana ay u sheegeen in aysan dagaal ku qaadi doonin degaanka ay u dhasheen ee maxasta iyo maatadoodu taallo, sida uu Puntland Post  u xaqiijiyay sarkaal la socday mid kamid ah saddexdaasi taliye.

“Taani hadalkiisa, waxaa loo arkay in uu leeyahay, ordoo maxastiina iyo maatadiina dagaal ku qaada, taasina way u cunmi wayday taliyaasha, sidaasi ayayna uga goosteen Somaliland iyo taladeedaba, waayo? waxa meesha ka socdaa waa lafa geel iyagaa la isku jebiyaa” ayuu yiri sarkaalka.

Sidoo kale, taliyaasha ayaa diiday, kadib markii Gen Taani uu ka dalbaday in ay wada-tashi u yimaadan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, si looga wada-hadlo khilaafka labada dhinac ee ku saabsan, sida loo wajahayo xiisadda ka aloosan degaanno ka tirsan gobolka Sanaag.

Anigu taliyaha aan la joogo dalabkaasi wuu diiday, wuxuuna u sheegay in talada Yubbe iyo Damala Xagarre u taallo dadka halkan u dhashay ee aan go’aan looga yeerin Karin meelo kale. Raggii kalena maba aadin oo waa kuwaan noo yimid ee hadda nala jooga” ayuu yiri sarkaal weheliya mid kamid ah taliyaashaasi.

Sarkaalka ayaa sii raaciyay in Xalay uusan ciidamada Somaliland ku harin, hal Askari oo u dhashay degaannada Bariga gobolka Sanaag, isagoo sheegay in awalba dhammaantood ay maamulayeen saddexda taliye ee ka baxay Somaliland.

Taliyaasha ka baxay Somaliland, ayaa dhinaca kale caawa degaanka Ceelbuh kulan kula qaatay waxgaradka u dhashay bariga gobolka Sanaag oo isaga kala yimid degmooyinka Badhan, Laasqoray, Hadaaftimo, Xingalool, Dhahar, Damalla-xagarre, Ceelbuh iyo Carmale, sid aan ka soo xiganay qaar kamid ah wagaradkii kulankaasi joogay.

Taliska ciidamada Somaliland ayaan dhankiisa weli ka hadal, taliyaasha iyo ciidamadooda ka goostay, iyadoo gobolkaasi ay ka aloosantahay xiisad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland tan iyo markii ciidamada Somaliland ay qabsadeen, degmada Yubbe oo dhanka bari ka xigta magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

SOMALI NEWS

To Top