WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay shakiga iyo walaaca Shacabku ka qabo Itoobiya-Video

Muqdisho (HM)-Sanadihii la soo dhaafay waxaa dad badani qabeen in dalal ka mid ah kuwa deriska la ah Soomaaliya ay isku dayayaan inay qaataan qeybo ka mid ah Dhulka Soomaaliyeed walaacaas oo gaaray meeshii ugu sareysay todobaadkaan,kadib markii Wasaaradda arrimaha Dibadda Itoobiya ay Wabsite-keeda soo saartay Map-ka Afrika oo laga tiray Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in markii dal uu mudo badan ku jiro dhibatooyin farabadan ay dadkiisa noqdaan kuwa niyad jaba,isla markaana qaarkood ay dhahayaan dalkeena waa la qaadanayaa.

“Mararka qaar waxaad maqleeysaa kuwa dhahaya dhulkeena dowlad heblaayo ayaa qaadaneysaa,war side adiga oo nool  dhulkaaga loo qaadanayaa,adigu hadaad is dhiibto ama aad dhimato waa la qaadanayaa laakin adiga oo nool maya,war ha is dhiibina oo kalsooni lahaahda ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa waxaa shaki ku abuuray isbedeladii ka dhacay geeska Afrika ee uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaaaraha Itoobiya Abiy Axmed,iyada oo mar uu sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay wada noqonayaal hal dal.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top