WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Mareykanka oo war culus kasoo saaray duqeyn uu ka fuliyey deegaanada maamulka Puntland-Video

Boosaaso (HM)-Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaarada Afrika ayaa faah faahin ka bixiyau duqeyn dhinaca Cirka ah oo xubno Al-Shabaab ah ay kula eegteen buuraha Golis ee gobolka Bari ee maamulka Puntland.

War qoraal ah oo Caawa lagu soo daabacay barta Twitter-ka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in 3 xubnood oo Shabaab ah lagu dilay weerarkan cusub.

Duqeyntan ayaa noqoneysa tii 6aad ee Mareykanka ka fuliyo buuraha Golis, tan iyo markii uu bilaabay howlgalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

24-ki bishan May Mareykanka waxa uu duqeyn ku dilay Saddex Shabaab ah, halka 22-kii May uu dilay Laba Shabaab ah, isla 22-kii May wuxuu sidoo kale duqeyn ku dilay laba Daacish ah, 9-kii May wuxuu kaloo Mareykanka dilay Afar  Daacish ah, halka 8-dii May oo uu fuliyay Duqeyntii u horeysay ee bishan uu ku dilay 13 Daacish ah.

Mareykanka ayaa sare u qaaday weerarada dhinaca Cirka ah uu la beegsanayo Kooxaha Shabaab iyo Daacish ee ku sugan deegaanada Puntland.

SOMALI NEWS

To Top