WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Jubaland Musharax ka cabsi qaba inuu Axmed Madoobe dilo iyo xiisad ka taagan Kismaayo-Video

Kismaayo (HM)-Xildhibaan Cabdi Rashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ahna musharax Madaxweynaha Jubbaland ayaa faah faahin waxa uu ka bixiyay qarax maalma ka hor laga soo bixiyay hoyga mid ka mid ah ilaaladiisa oo ku yaalla Magalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Shir Jaraa’id oo uu Warbaahinta Kismaayo ugu qabtay ayuu ku sheegay in qaraxaasi xogtiisa uu haayay,isla markaana Shaqsiyaad kooban oo ka tirsan Jubbaland ay lahaayeen,diyaarinta qaraxaas,sidoo kalena bartilmaameedka uu isaga ahaa.

Waxa uu sheegay in markii la ogaaday miinada ay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha Amniga Jubbaland tageen halkii qaraxa la dhigay,isla markaana ay qaateen miinada,iyada oo aan la sameyn qorshayaal looga hortagayay sida in la kala fur furo ama la demiyo anteenooyinka Shirkadaha.

Sigaar ah taliyaha Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Jubbaland oo lagu Magacaabo Yaxbul  ayuu sheegay in gaari uu ku qaatay miinada taasina ay shaki gelisay,waxaana uu sheegay in qorshahaas uu ahaa shirqool la doonayay in lagu dilo.

Ugu dambeyn Xeer ilaalinta Qaranka Soomaaliya, tan Jubbaland iyo saraakiisha AMISOM ayuu ka dalbaday inay falkaasi ku sameeyaan baaris deg deg ah,isla markaana aan leyskaga hari doonin,sidoo kalena uu soo bandhigi doono cadeymo dheeraad ah.

Marka laga soo tago hadalka Xildhibaan Cabdi Rashiid Maxamed Xidig ayaa Wasaaradda Amniga Jubbaland waxaa ay Xildhibaanka ku eedeysay in uu u gefay Hay’adaha Amniga Jubbaland,isla markaana qaraxa la helay ay ka dambeeyaan Ururka Al-Shabaab.

HALKAN KA DAAWO XOGTA HADALKIISA

SOMALI NEWS

To Top