WARARKA SOOMAALI

Gaalkacayo dil naxdin leh oo ka dhacay Gabadh Salaad kasoo baxday oo dhuunta Toorey looga dhuftay..

Laascaanood (HM)-Wararka HM ay ka heleyso Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi xalay lagu dilay Gabar dhalinyaro aheyd.

Dilkan loo geystay Gabadha ayaa waxaa loo adeegsaday Toorey,isla markaana waxaa looga dhuftay dhuunta,waxaana dilkaas uu yimid xilli ay kasoo baxday Salaadii Taraawiixda oo ay kusoo tukutay mid kamid ah Masaajida ku yaalla Xaafada Garsoor ee Gaalkacyo.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in gabadha ay ku dhex geeriyootay Isbitaalka weyn ee Waqooyiga Gaalkacyo,halkaasi marka hore la geeyay.

 HALKAN KA DHAGAYSO

Allaha u naxariistee Gabadha yar ee la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nimco Cumar Shire “Xuur”,waxaana Da’ahaan ay jiray 22 sanno,iyadoona kamid aheyd dadka deegaanka.

Kooxihii ka dambeeyay dilkan Naxdinta leh ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday,waxaana durbo halkaasi tegay Ciidanka amniga Magaalada Gaalkacyo,isla markaana sameeyay baaritaano kooban ,hayeeshee laguma guuleysan in lasoo qabto ragii fuliyay falka.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga Gaalkacyo oo ay uga hadlayaan dhacdadii lagu dilay Nimco Cumar Shire “Xuur”

SOMALI NEWS

To Top