WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Jaaliyada Gobalka Sanaag ee Kenya oo si kulul uga hadlay xaalada G.Sanaag iyo Soomaliland-Video

Laascaanood ( HM) Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kasoo Jeeda Bariga Gobolka Sanaag,  oo Kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya  ayaa si adag uga hadlay xaalada Gobolka Sanaag iyo Ciidamada Somaliland ay dhowaan ay gaysay Qaybo kamid ah Gobolka.

Waxay sheegeen in Falal Amni darro iyo  Duulaan Gardaro ah ay kusoo Qaadeen Gobolka Gobolka Ciidamada Somaliland, waxayna siwayn u dhaliileen  Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi, waxayna sheegeen in Wixii uu ku dagaalamay isagu uu maanta doonayo inuu dadka kale ku sameeyo.

Gobolka sanaag ayay sheegeen inuu kamid ahaa meelaha ugu Nabadda badan, Hadana ay ka socdeen Horumar kala duwan, waxayna sheegeen inay kamidaysan yihiin difaaca deegaankooda.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Caasha Axmed Cabdalla oo Horay Xildhibaan usoo Noqotay  Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo kulanka ka hadashay ayaa ku Baaqday in la iska difaaco Somaliland.

“Gobalada weerarka lagu yahay waa Kuwii dhaliyey Goboanimada, Gobolka sanaag waa meel Nabad ah oo lagu Raadinayo Ictiraaf,   Jeegaantu dhibkii ay haystay ayay gobolka sanaag usoo wareejisay, dagaalku waa  xaq,   Ajar ayaana laga helayaa , Qofka Gurigaaga kusoo duulay waa Daalim, waana inaad iska difaacid“ ayay tidhi Caasha Cabdalla waxayna ugu dambayn  Fariin u dirtay maamulka Puntland.

SOMALI NEWS

To Top