WARARKA SOOMAALI

Waraysi:-Xog cusub oo laga helayo Gabadhii 12 jirka ahayd ee la Kufsaday kadibna la dilay-Video

Gaalkacyo (HM) – Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in waaberigii saaka lagu arkay mid kamid ah xaafadaha magaalada Meydka gabar yar oo muddo la raadinayay.

Meydka Gabadha oo da’deeda aheyd 12 sano jir  ayaa la dhigay guriga ehelka raadinayay gabadhaasi yar oo la sheegay inay ka maqneyd maalmihii ugu dambeeyay, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Meydka Caasho Ilyes Aadan, oo la weysanaa tan iyo shalay, islamarkaana waalidiinteeda baadi-goobayeen ayaa saaka lasoo dhigay banaanka Gurigeeda, oo ku yaalla waqooyiga magaaladda Gaalkacyo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa magaca Gabadha lagu sheegay Caasho Ilyaas Aadan oo 12 sano jir aheyd, waxaana jirkeeda ka muuqday jirdil xoogan, sida ehelkeeda ay sheegeen.

“Meydka Gabar da’yar ayaa saaka lagu arkay magaalada Gaalkacyo, waxaa la soo hor dhigay guriga ehelo ilaa xalay baafinayay, Caaisha Ilyaas Aadan oo 12 sanno jir aheyd”

Taliyaha Booliska Gobolka Mudug, qeybta Puntland, Axmed Cismaan Cali ayaa u sheegay BBC-da in Gabadha loo geystay Kufsi iyo Jirdil kahor inta aan la dilin.

Taliyaha ayaa xaqiijiyay inay dhowr qof u qabteen dilka Gabadha, kuwa kalena ay ku raadjoogaan.

Meydka Caasho ayaa la dhigay Isbitaal, iyadoo ay dhaqaatiirtu baarayaan calaamado jirdil ah, oo ka muuqday jirkeeda. Si kasta, laamaha amniga ayaa sheegay inay wadaan baaritaan kiiskan ku aadan.

Caasho ayaanan dib ugu laaban Gurigeeda markii ay kasoo laabatey Iskuulka maalintii shalay, waxaana la sheegay in koox aan la garaneynin afduubeen, kuwaaso kufsi iyo dil kula kacay.

Dhacdadan argagaxa leh, ayaa si aad ah looga falceliyay baraha bulshada, waxaana lagu tilmaamay mid ka baxsan Diinta Islaamka, Bini’aadanimada iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

SOMALI NEWS

To Top