WARARKA SOOMAALI

Daawo;-Soomaliland Maxakamadda Hargaysa oo dambi ku wayday Abwaan hore u xidhatay Xukuumadda Muuse Biixi-Video

Hargaysa (HM)-Maxkamada magaalada Hargeysa ayaa dambi ku weysay kadib markii la horkeenay Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo xeer ilaalinta Somaliland dacwad ku soo oogtay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Abwaan Abees ayaa gabay uu ka dhaliilayay dhaqanka ciidamada Booliska Maamulka Somaliland tiriyay waxaana lagu soo oogay dacwad la xiriirta gef uu kula kacay ciidamada Booliska.

Mas’uuliyiinta Maxkamada ayaa waxa ay sheegeen in Abwaanka lagu waayay dambigii loo heystay ee ahaa qodobka 269  ee xeerka ciqaabta guud oo ah inuu wax ka sheegay ciidanka Booliska sidaasna lagu dib loogu celiyay xoriyadiisa.

Hase yeeshee xafiiska xeer ilaalinta ee dacwada ku oogtay abwaanka ayaa racfaan ka qaadatay sii deyntiisa.

SOMALI NEWS

To Top