WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweynaha Puntland oo si kulul uga hadlay dhacdadii foosha xumeyd ee Gaalkacayo-Video

Boosaaso (HM)-Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa si kulul uga hadlay dhacdo argagax leh oo ka dhacday Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaasoo loo geystay gabar yar oo 12 sano jir eheyd.

Siciid C/llaahi Deni oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in falkaas ay geysteen dhalinyaro ku sugan Gaalkacyo,isagoo sheegay in maamulkiisa ay talaabo cad ka qaadi doonaan dadka ku lugta yeesha dhibaatadaas.

” waxaan rajeynaa dowladdu iney talaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ku xad gudubta karaama bini’aadamka, waxaan rabaa inaa idinkuna qeybtiina ka qaadataan danaha dadka in la ilaaliyo” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhalinyarada ku dhaqan deegaanada Puntland ee isticmaasha waxyaabaha maanka dooriya, ayuu sheegay iney ka suurowdo iney geystaan fal kasta oo argagax leh, si taa looga hortagana loo baahan yahay in Waalidiinta ay ka war hayaan hab dhaqanka Carruurtooda.

“waxaa la rabaa dhalinyarada faraha badan ee waayadaan danbe caadeysatay waxyaabaha maandooriyaha ee dhici karta iney wax walba ku kalifto iney sameeyaan, dhaqan xumada faraha badan soo kordhyesa Nabad gelyada u daran iyo tacliinta koreysay laba sheey oo la is qabad siin karo ma aha” ayuu hadalkiisa ku soo gaabiyay Deni.

Caasho Ilyaas Aadan oo eheyd 13 jir ayaa loo geystay Kufsi iyo Jirdil kahor inta aan la dilin, iyadoo la filayo in Meydkeeda maanta lagu aaso Gaalkacyo, waxaana maanta la fasaxay dhamaan goobihii Waxbarashada ee Waqooyiga Gaalkacyo oo ay Puntland maamusho.

Saraakiisha Ciidanka booliska Puntland ee gobolka Mudug, ayaa howlgal ay tan iyo shalay sameynayeen waxa ay ku soo qabteen dhalinyaro lala xiriiriyay iney ku lug yeeshaan falkaasi, kuwaasoo baaritaano lagu sameynayo.

SOMALI NEWS

To Top