WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Farmaajo oo Safaro is daba jooga ah Dalka uga baxaya xili uu arrintaas ka hadlay xiligii Doorashadiisa-Video

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, in ka yar 24 saac oo uu Muqdisho joogay, kaddib markii shalay gelinkii dambe uu ka soo laabtay dalka Masar.

Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta.

“Booqashada Madaxweynuhu waxay daba socotaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo bishan oo kaliya 10 maalmood oo ka mid ah ayuu dalka ku sugnaa, halka inta kale uu safaro dibadda ugu maqnaa.

Waxaa uu muddo laba toddobaad ah u safray shan dal oo afar ka mid ah ay ku yaallaan Afrika.

Muddadaasi wuxuu wakhtiyo kala duwan ku qaatey dalalka uu socdaalka ku tagey, marka laga soo bilaabo, Itoobiya oo u socdaaley: 9-kii bishan February isagoo kasoo noqday 12-kii isla bishan.

February-18: wuxuu u socdaaley dalka Burundi–oo kusoo qaatey safar laba maalmood ah.

February-19: wuxuu Burundi uga sii gudbey dalka Jabbuuti, halkaasi oo uu ku qaatey habeen iyo maalin.

February-20: wuxuu kusoo noqday Muqdisho, isagoo ku sugnaa muddo saddex maalmood ah.

February-23: wuxuu u dhoofey dalka Masar, gaar ahaan; magaalada Sharma El-Sheikh, isagoo halkaasna ku sugnaa muddo laba maalmood ah.

February-26: wuxuu u dhoofey dalka Qatar– oo isagana la sheegay in uu ku maqnaan doono laba maalmood oo kale.

Madaxweyne Farmaajo, wuxuu khudbaddiisii guusha ku sheegay in uu joojin doono safarrada badan ee ay madaxda dawladdu ugu bixi jirtay dalka dibaddiisa, taas beddelkeedana ay shaqadaas qaban doonto wasaaradda arrimaha dibaddu.

Farmaajo isagoo arrimahaas ka hadlaya, wuxuu khudbaddiisii guusha ee laba sanno ka hor ku yidhi, “Ma aha madaxweynuhu in bishiiba saddex jeer baxo, sidaas darteed waa in la joojiyaa dhaqankaas”.

JOWHAR.COM

SOMALI NEWS

To Top