WARARKA SOOMAALI

Muuse Biixi oo weerar ku qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya-Akhriso

Hargaysa (HM) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo dhowaan ka ballan-qaaday ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed inuu wada-shaqeyn la yeelan dowladda Soomaaliya ayaa u muuqda inuu is-beddelay markii uu Somaliland ku laabtay.

Muuse Biixi oo laga rajeynayo inuu ka shaqeeyo isku soo dhowaanshaha labada dhinac, ayaa taa beddelkeeda weerar culus ku qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya

Madaxweyne Biixi ayaa ugu horeyn sheegay in kala duwanaansho uu ka jiro dastuurka u degsan Somaliland iyo dastuurka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in kala duwanaanshahaasi uu horseedi karo in waxyaabaha qaar aysan dhaqan gelin.

Ugu horeyn wuxuu sheegay in Dastuurka Somaliland uu dhigayo marka ay dowlad ama gobol kale ku biirayaan in shacabka ay u codeeyaan, sidaasi si lamid ahna madaxweynaha ay shacabka soo doortaan.

Mar uu ka hadlay Dastuurka Soomaaliya ayuu sheegay inuu yahay mid KMG ah islamarkaana madaxda Soomaaliya aysanba ku dhaqmin, sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Biixi.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu sameeyo wuxuu doono marka uu waagu baryo, balse Somaliland Dastuurka laga tixgeliyo, sida uu sheegay.

Waxaa uu sheegay in Somaliland ay soo dhaweynayso Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, islamarkaana ay kala tashan doonaan shacabka degaanada Somaliland.

SOMALI NEWS

To Top