WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweynaha Soomaali Galbeed Mustafe Cagjar oo kusoo wajahan Soomaliland isaga oo wakiil ka ah Abiy Ahmed-Video

Hargeisa  ( HM ) Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar ayaa la filayaa in khamiista toddobaadkan uu socdaal ku yimaaddo Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu ka qayb-qaadan doono, dhagax-dhigga waddada Berbera illaa Wajaale.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Cagjar ayaa la sheegay in uu soo wakiishay raysal-wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed.

Dhinaca kale Waxaa Diyaar-garow ka socdaa  goobta loogu talo-galay in lagu qabto xafladda dhagax-dhigga, dhismaha mashruuca waddada Berbera illaa Wajaale.  HOOS KA DAAWO SAWIRRADDA

SOMALI NEWS

To Top