WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaaliya digniin culus oo kasoo baxday Wasaaradda amniga kadib Xasuuq shacab oo ka dhacay duleedka Muqdisho-Video

Muqdisho (HM)-Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Taliska Ciidanka Booliska ayaa xalay kulan degdeg ah ka yeeshay dhacdadii shalay ka dhacday duleedka Muqdisho, halkaasoo shalay lagu laayay sagaal ruux oo lix ka mida ay haween ahaayeen.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii baaritaan dhab ah loogu sameyn lahaa dhacdadaas, iyadoo Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliska ay fareen laanta dambi baarista inay si degdeg ah u keenaan caddeymo rasmi ah.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sh/Hoose ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in xubno ka tirsan maamulka deegaanka Lafoole looga yeeray xarunta baarsita dambiyada ee C.I.D, halkaas oo maanta laga sugayo iney tagaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xubnaha looga yeeray xarunta baarista danbiyada ayaa la filayaa in waxa laga weydiiyo sida ay ku timid toogashada halka mar ah ee lagu dilay Sagaalka qof ee u badnaa Dumar, iyadoo eeda ugu weyn ee ay wajahayaan ay tahay iney dayaceen mas’uuliyada ka saarneyd ilaalinta nabadgelyadooda.

Xubno ka tirsan maamulka gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in la isaga fadhiyo cida qaadaneysa mas’uuliyada dadka la laayay iyo in la keeno dadkii falkaasi geystay ama raad lagu tixraaci karo soo qabashada dambiilayaasha.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in amarka loogu yeeray mas’uuliyiinta deegaanka iyo Saraakiisha Ciidamada ay bixiyeen madaxda ugu sareysa dalka, kuwaasoo kulan gaar ahaa Isniintii ka yeeshay toogashada loo geystay dadka ku howlanaa arrimaha nadaafada.

Sagaalka qof ee la dilay ayaa ka mid ahaa 38 qof oo ka shaqeynayay howlaha nadaafada inta u dhaxeysa Ceelasha Biyaha iyo deegaanka Xaawo Cabdi ee wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Ma jirto cid sheegatay dilkaas, hase ahaatee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku eedeeyay inay dilkaas ka dambeeyeen Al-Shabaab.

SOMALI NEWS

To Top