WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Hiiraan

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar habeenkii xalay aheyd ka dhacay waddo xiriirisa degmada Mataan iyo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Rag hubeysan oo loo maleynayo inay yihiin maleeshiyaad hubeysan ayaa wadada u galay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo kusii jeeday Magaalada Baladweyne, xili uu mararay meel ku dhow Matabaan.

Weerar lagu qaaday Gaariga ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray qaar kamid ah dadkii saarnaa, waxaana goobta ku geeriyooday hal ruux, halka laba kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.

Raggii hubeysnaa ee ka dambeeyay weerarkaas ayaa goobta ka baxsaday, isla markaana waxaa markii dambe halkaas ka tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda ee Haramcad, iyagoona saakay wada howlgal baaritaano ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in weerarkii dhacay uu la xiriiray arrimo ku aadan aano qabiil, waxaana saacadihii lasoo dhaafay deegaano hoostega degmada matbaan ee Gobolka Hiiraan ka dhacay dilal loo geystay dad shacab ah oo kamid ahaa dadka degaanka.

SOMALI NEWS

To Top