WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiye Mursal

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Murasal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Kulanka oo ahaa kii ugu horeeyay ee Labada masuul ay ku yeeshaan magaalada Garoowe tan iyo intii ay halkaasi tageen ayaa waxaa ka dhashay hadal-heyn aad u weyn tas oo ku aaddan kulankoda.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa ka wada-hadlay xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyink aiyo sida loo amareyn karo xaaladda kala –guurka ah.

Jubbaland iyo dowladda fedraalka ayaa waxaa ka dhaxeeya khilaaf Siyaasadeed oo weyn, kaas oo salka ku haya doorashooyinka dalka gaar ahaan doorashada xildhibaanada golaha Shacabka iyo Aqalka sare ka soo geliya deegaanada Maamulkaas.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kal hore Warbaahinta u sheegay in Jubbland aysan ka dhici Karin doorasho inta dowladda fedraalka ciidamada ka qaadeyso gobolka Gedo Gacanta dowladdana lagu soo celinayo.

SOMALI NEWS

To Top