WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Sababta uu u baaqday Shirkii Machadka Hiratage ee Garoowe

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta oo tallaado ah waxaa lagu waday inuu ka furmo Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid.

Ajandaha shirka sanadkan ayaa waxaa uu yahay mid diiradda lagu saari doono Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya, kaasi oo markii horreeyay lagu qabanayo dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka, Musharaxiinta Madaxweynaha, qaar kamid Maamulada dalka, Xildhibaano, Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo aad u badan ayaa ka qeyb galaya Shirka Madasha Machadka Hiratage, kuwaasi oo ku sugan Magaalada Garoowe.

Agaasimaha Machadka Hirata Cabdirashiid Xaashi ayaa shaaciyay dib u dhaca ku yimid Shirka oo gelinka dambe ee Maanta la filayay inuu furmo, wuxuuna ka hadlay sababta keentay dib u dhaca Shirkaas, kadib markii Maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe.

Halkaan Riix si aad u Daawato Muuqaalka Agaasimaha.

SOMALI NEWS

To Top