WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Dhuusamareeb oo Caawa furmaya

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa xilligaan waxaa ka socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee uu ku furmayo Shirka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa lagu waday inuu shalay furmo, hayeeshee dib ayaa lagu yimid, waxaana la filayaa in Caawa uu si rasmi ah u furmo, iyadoona looga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka ka taagan qabsoomida doorashooyinka dalka.

Inta uu socdo Shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa sida lagu xalin karo qodobada la isku haayo oo ugu weyn yihiin Arrinta Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland, Guddiyada doorashada iyo arrinta Xildhibaanada Gobolada Waqooyi.

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo dhammaan Madaxda maamulada sida Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Puntland iyo Galmudug oo marti gelineysa Shirka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Caawa ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Ammaanka guud ee Caasimadda Galmudug ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidamada Maamulka, kuwa dowladda Federaalka iyo Ilaalada la socota Madaxda ka qeyb galeysa Shirka.

Waddooyinka waaweyn ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu daadiyay Ciidamo badan oo amniga sugaya, isla markaana waxaa la xiray gebi ahaan waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa howlka loogu tala-galay inuu Shirka ka furmo.

SOMALI NEWS

To Top