WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Saciid Deni oo cabsi uga degi waayay Garoonka Dhuusamareeb

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayay ayaa waxaa ay gabal-dhicii galabta gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Deni ayaa safar dhinaca dhulka ku gaaray Dhuusamareeb, waxaana duleedka Magaalada uga hortegay oo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkiisa.

Madaxweynaha Puntland oo markii horey kasoo ambabaxay Garoowe ayaa diyaar qaas ah ku tegay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgduud, halkaas oo Ciidamo badan iyo gaadiidka aan xabada karin ee loo yaqaano Bullet Proof loogu sii diyaariyay.

Intaas ayey safar dhulka uga baxeen Deni iyo wafdiga la socday oo qeyb ka yihiin xubno ka tirsan Maamulkiisa, isla markaana gaaray Dhuusamareeb, si uu uga qeyb galo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada Caawa u furmaya.

Sababta uu Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb uga soo degi waayay Madaxweyne Deni ayaa waxaa lagu sheegay inay sababo amni, kadib markii xalay Al-shabaab ay madaafiic xoogan ku weerareen Garoonka Ugaas Nuur.

Shirka Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa Caawa furmaya, waxaana Caasimadda Galmudug ku sugan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo dhammaan Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

SOMALI NEWS

To Top