WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo weerar dhabba-gal ku qaaday Ciidamo galbinayay gaadiid

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar dhabba-gal oo gelinkii dambe ee Maanta lagu qaaday kolonyo ay la socdeen Ciidamo dowladda Federaalka Soomaaliya oo galbinayay gaadiid badan oo dhuxul siday.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhexeeysa tuulado lagu magacaabo Doonka oo 10-KM u jirta degmada Afgooye xigtana dhinaca waddada aadd degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana weerarka gaadiidka ku qaaday rag loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka oo soo gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Darawaladii waday gaadiidka nuuca xamuulka qaado ah oo siday dhuxul badan oo u rarneyd Ganacsato.

Inta la xaqiijiyay 9 qof oo laba kamid ah ay ahaayeen darawladii gaadiidka kaxeeynayay ayaa ku geeriyooday weerarka, halka laba Askar kalena ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana goobta ka dhacay dagaal kooban.

Al-shabaab horey weeraro xoogan oo geystay khasaaro kala duwan ku qaaday Ciidamo ka tirsan dowladda oo galbinayay gaadiid badan oo dhuxul siday, sidoo kalena deegaano ka tirsan Gobolada dalka dhowr mar ku gubay gaadiid dhuxul siday.

SOMALI NEWS

To Top