WARARKA SOOMAALI

Faah faahin:-Guddoomiye Degmo ka tirsan G/Banaadir oo Gurigiisa la weeraray

Faah faahino ayaa laga helayaa weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo lagu qaaday hoyga Magaalada Muqdisho uu ka degan yahay Guddoomiyaha degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in Bam gacmeed ku tuureen Guriga Guddoomiye Maxamed Abuukar Jacfar oo ku yaalla degmada howlwadaag meel ku dhow Iskuulka dhagaxtuur, waxaana weerarka uu dhacay salaadii cesho kadib ee xalay.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay inay maqleen jugta Bambada, kadibna ay xigtay rasaas badan ay fureen Ciidamo ka tirsan Ilaalada Guddoomiyaha degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, in kastoo aan la ogeyn in Guddoomiyaha ku sugnaa Gurigiisa.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in goobta ay baxsadeen ragii ka dambeeyay weerarka, sidoo kalena weli lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay lagu qaaday Guriga uu Caasimadda ka degan yahay Guddoomiye Jacfar.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca falal amni darro oo geystaan rag hubeysan, waxaana xusid mudan in dhawaan Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ay dileen Guddoomiyihii degmada Hodan ee Gobolka Cabdixakiin Dhaga-juun.

SOMALI NEWS

To Top