WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda oo War kasoo saartay dib u dhaca Shirka Dhuusamareeb

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahin guud ka bixiyey shirka wada-tashiga magaalada Dhuusamareeb iyo dib u dhaca xalay ku yimid.

Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in arrimo farsamo darteed uu u baaqday furitaanka shirka, gaar ahaan sababo la xiriira safarka madaxda qaarkood oo soo daahay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay daalanaayeen labada hoggaamiye ee Jubbaland iyo Puntland oo shalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, isla markaana ay dalbadeen in dib loo dhigo Shirka.

Sidoo kale Wasiirka warfaafinta ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in shirka uu si rasmi ah u furmi doono saacadaha soo socoda, islamarkaana laga wada-hadli doono doorashooyinka.

Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay is-dajiyaan, kuna kalsoonaadaan madaxda Soomaaliyeed ee haatan ku sugan caasimada Galmudug, isla markaana natijo wanaagsan ay kasoo bixi doonto.

Halkaan riix si aad u daawato Muuqaalka Wasiir Dubbe.

SOMALI NEWS

To Top