WARARKA SOOMAALI

Weerar lagu dilay Ciidamo Soomaali iyo Ajaanib oo ka dhacay Gobolka…

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dad ku warramay in dagaalka uu bilowday ka gadaal markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar jid-gal ah ku qaadeen kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda, xili ay socdaal ku marayeen wadada xiriirisa degmada Janaale iyo deegaanka Buufoow, waxaana kadib dhacay dagaal culus.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka oo socday daqiiqado oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, wallow markii dambe uu istaagay, kadibna Ciidamada ay socdaalkooda sii wateen.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qadka ayey ku sheegteen inm dagaalkii ka dhacay Shabeellaha Hoose ay ku dileen 6 Askari oo ka tirsan ciidanka Milateriga dowladda iyo 4 Askari oo kamid ah kuwa AMISOM gaar ahaan Uganda.

Weerarkaas dhacay ayaa kusoo aadaya, iyadoo isla shalay Al-shabaab weerar dhabba-gal ah ku qaadeen kolonyo ay la socdeen Ciidanka dowladda oo galbinayay gaadiid siday dhuxul badan, kaasi oo ka dhacay duleedka degmada Afgooye.

9 qof oo laba kamid ah yihiin Darawalo waday gaadiidkii dhuxusha ayaa ku geeriyooday weerarka, halka laba Askar kalena ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana horey sidaan oo kale Al-shabaab ay weeraro kala duwan ugu qaadeen Ciidamada dowladda iyo AMISOM.

SOMALI NEWS

To Top