WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Somaliland

Shilkaan oo ah mid gaari, isla markaana geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay deegaanka lafaruug oo ka tirsan degmada Mandheera ee gobolka Saaxil ee degaannada Somaliland..

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday Gaari noocan raaxada ah, waxaana ku geeriyooday hal ruux halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidamo ka  tirsan kuwa ilaalada wadooyinka ee Somaliland iyo dadweynaha ku nool degaanka lafaruug ayaa gurmad u sameeyay dadka ku dhaawacmay shilka Gaari, kuwaas oo la geeyay Isbitaal si loogu daaweeyo.

Taliska Ciidamada Mabadgelyada Wadooyinka ee Somaliland ayaa goor siihoreysay sheegay in waayadii dambe degaannada Somaliland ay kusoo bateen shilalka Gaari, isla markaana kuwii ugu badnaa ay dhaceen Sanadkii la soo dhaafay ee 2020.

SOMALI NEWS

To Top