WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dagaal culus oo Maanta ka socda degaano ka tirsan Hiiraan

Wararka aan ka helayno deeganno hoosyimaada degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal khasaaro gaystay oo u dhexeeya Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Wararku waxaa ay tilmaamayaan in wali la maqlayo rasaas teel teel ah oo dhinacyadu ay is weydaarsanayaan, sida ay kusoo warramayaan dadka degaanku.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen aroornimadii hore ee saaka degaanno Al-shabaab ay fariismi ku leeyihiin oo Hoos yimaada degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan, waxaana lasoo sheegayaa in ay wali socdaan howgalada ay wadaaan Ciidanka Dowladdu.

HALKAAN KA DAAWO MUUQALKA

Wali waxaa la maqlayaa jugta iyo dhawaqa Rasaas culus oo dhinacyadu isku adeegsanayaan, waxaana dad goobjoogyaal ah ay kusoo warramayaan in ay macquul tahay in dagaalkaasi uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walow ay adagtaahy in la helo xogta rasmiga ah ee dagaalkaasi.

SOMALI NEWS

To Top