WARARKA SOOMAALI

TOOS:-Doorashada Aqalka Sare oo ka socota Magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay ka bilaabatay doorasahda qaar kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare ee ka imaanaya degaannada Jubbaland.

Ilaa 9 Musharax ayaa ku tartamaya Afar kursi oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka sare, waxaana u codeeynaya Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland.

Kursiga ugu horreeya ee doorashada Aqalka Sare ayaa waxaa ku tartamaya musharixiinta kala ah, Maxamed Axmed Sayid & Ilyaas Badal Gaboose, iyada oo ay socot codeynta Xildhibaannada.

HALKAAN SI TOOS AH UGA DAAWO

Ciidamada Ammaanka dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwo ka tirsan Booliska AMISOM ayaa Maanta siweyn uga qeyb qaadan doona sugida amniga Magalada Kismaayo gaar ahaan Goobta lagu qabanayo doorashada Aqalka sare.

SOMALI NEWS

To Top