WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Xildhibaankii ugu horreeyay ee Aqalka Sare oo la doortay

Xubintii ugu horraysay ee Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay Jubbaland, iyadoo ay billaabatay doorashada Soomaaliya, kadib dhowr mar oo ay dib u dhacday.

Kursiga u horreeya waxaa helay Ilyaas Badal Gaboose oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Jubada Hoose, wuxuuna ku guuleystay 55 cod, halka Maxamed Axmed Sayid oo la tartamayey uu helay 17 cod. Guud ahaan waxaa codeeyey 73 cod, iyadoo hal cod uu xumaaday.

Doorashada kursiga labaad ee Baarlamaanka 11aad ayaa goor dhow ka billaaban doonta baarlamaanka Jubaland. Waxa la filayaa ilaa 4 kursi in lagu doorto Jubaland maanta.

Saddexda kursi ee kale ee maanta la dooranayo, oo ka mid ah sideed kursi oo lagu soo dooranayo Jubaland ayaa waxaa loogu kala tartami doonaa sidan:

1- Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Axmed Maxamed Jaamac.
2- Xalimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cismaan
3- Ibraahim Yacquub Ismaaciil iyo Iftin Xasan Iimaan.

SOMALI NEWS

To Top