WARARKA SOOMAALI

RW Rooble oo gaar ah la yeeshay Xoghayaha Arimaha Dibadda UK

Ra’iisul Waaaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo weli ku sugan Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska ayaa Magaaladaas ka wada kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo Madax.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Maanta oo khamiis ah kulan la qaatay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dalka Britain ,Dominic Raab Arrimo kala duwan oo ku aadan xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo  Ingiriiska.

Sidoo kale labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, doorashooyinka ka dhacaya dalka gaar ahaan kuwa Aqalka Sareee Baarlamaanka Federaalka iyo la dagaalanka aragagaxisada .

Ra’iisul Waaaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa Dowladda UK uga mahad celiyay taageeradeda Soomaaliya ay siiso oo leh dhinacyo kala duwan.

Rooble ayaa London uga qeyb galay shirka Caalamiga ee Waxbarshada, isagoo tilmaamay in khilaafaadka iyo masiibooyinka dabiiciga ee ka jiray Soomaaliya sanado badan ay si weyn u ragaadiyeen waxbarshada gaar ahaan xilligii uu sida weyn uu sare u kacay Cudruka COVID-19.

SOMALI NEWS

To Top